Darawal Sacuudiyaan ah ayaa lagu amaanay halyeyga badbaadiyay nolosha wiil yar oo ku qaldamay goynta waddo ay isku dhaafayeen labo gaari oo ku taalla magaalada Al-Kharj ee u dhow Riyaad.

Abdullah Madlool Al-Anzi ayaa xilli habeen ah gaari watay, waxa uu arkay wiilkii yaraa ee Mo’az oo wadada bartameheeda dhex socda.

Markii Mr Al-Anzi uu bireega si deg deg ah u qabtay, waxa uu arkay gaari ka dambeeya oo ku socda xawaare sare. Isla markiiba wuu leexday, isaga oo ku qasbay baabuurkii kale in uu isna leexdo iyagoo waxyar is gaaray.

Qofna kuma dhaawacmin shilka balse darawalka kale ayaa ka codsaday Mr Al-Anzi inuu bixiyo kharashaadka dayactirka oo ah kun iyo lix boqol oo doollar.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply