Wararka ka imaanaya saakay Guri ku yaal Deegaanka Daara-Salaam ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in saakay laga helay meydka Haweneey magaceeda lagu sheegay Xaawa Cumar Xuseen.
Allaha u naxariistee Haweneydaan oo Uur Xaamilo ah lahayd ayaan si rasmi ah loo ogeyn sababta geerideeda waxaase jirkeeda ku yaal nabaro muujinaya in la dilay.
Ehalada Haweeneydaan ayaa la sheegay inay ku war geliyeen Hay-adaha amaanka Dowlada Somalia .
Xarunta CiD-da ayaa loo qaaday meydka halkaasoo baaritaano lagu soo marsiiyay waxaana loo xirey dhacdadaan Laba Gabdhood oo guriga la deganaa.
Ha’adaha amaanka wali kama soo bixin war rasmi ah oo la xiriira kiiskaani sida dilkaan wax loo adeegsaday iyo cadeymo la xiriira tuhmanayaasha.
Sidoo kale Cunuga yar ee uurka ku jirey waxaa la sheegay inuu isna la geeriyooday hooyadiis.
Office Nairobi Kenya