December 6, 2024

Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay inay xirtay 14 bar (Website) oo lala xiriirinayo inay la shaqeeyaan ama ku xiran yihiin AL Shabaab.

Website-yada ilaa hadda la ogyahay in Soomaaliya laga xiray waxaa kuwooda la yaqaanno ka mid ah Calamada, Somalimemo, Radi Al-furqaan iyo Amiir Nuur, inkastoo Somalimemo ay weli hawada ku jirtay saaka aroortii.

Sidoo kale Arrintan ayaa imaanaysa ayadoo isla hay’addu ay sheegtay inay xirtay labaatan guruub oo Whatsapp ah iyo 2,500 lambar oo ah lambarro telefoonno.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply