Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan gobolka Awdal ee waqooyi galbeed dalka Soomaaliya halkaas oo lafilayo in Itoobiya ay saldhig ciidan ka sameysato.
Wararka ka imaanaya Awdal ayaa sheegaya in maamulka Somaliland uu boqolaal askari oo hor leh udaadgureeyay degmada Lughaye, ciidamadan oo wata ku dhowaad 20 gaari waxaa hoggaaminaya taliye lagu magacaabo Baashe Fanax.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadani katirsan maamulka ‘Somaliland’ ay degeen goob ay isbuucyo ka hor sahan ku tageen saraakiil katirsan dowladda Xabashida Itoobiya
.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan uu maamulka Hargeysa udiray gobolka Awdal ay hordhac unoqon doonaan ciidamo Itoobiyaan ah oo saldhig ka sameysan doono degmada Lughaye.
Office Nairobi Kenya