March 17, 2025

Wararka ka imaanaya dekadda weyn ee Muqdisho ayaa sheegaya in  Hay’adda taya-dhowrka Soomaaliyeed ay   dekadda weyn ee Muqdisho ku qabatay Kunteenar ay ku jiraan 249 Kartoon oo Taabuug ah

Hay’adda taya-dhowrka Soomaaliyeed ayaa dekadda weyn ee Muqdisho ku qabatay Kunteenar ay ku jiraan 249 Kartoon oo Taabuug ah, kaas oo qorshuhu ahaa in lagu daroogeeyo dadka Soomaaliyeed.

Hay’adda taya-dhowrka Soomaaliyeed ayaa ku wareejisay Ciidanka Booliska ee dekaddda Xamar, si waajibaadkooda uga gutaan.

Hay’adda ayaa markale adkeysay in aan Dekadda iyo Garoonka Caasimadda laga soo dajin karin gebi ahaan waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo dhibaato balaaran ku haya dhallinyarada Soomaaliyeed iyo bulshada qeybaheeda ka

Xigasho Radiomuqdisho.com

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply