December 6, 2024

Hayadda USAID ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsanyahay isku daygii ugu dambeeyay ee masuuliyiinta Zimbabwe ee ahaa in ay af iyo adinba ku cabsi galiyaan saraakiil iyo qandaraasleyaal badan oo ka tirsan ha’yada.

Hay’ada oo war saxaafeed ay soo saartay ay BBC-du aragtay ayaa sheegtay in shaaqaalaha qaarkood xabsiga lagu sii hayo, gaadiid lagu qaado iaygoo ku jira xaalado aan ammaan ahayn, in su’aalo wakhti dheer ah la weydiiyo, iyo in qasab lagu masaafurinayo.

qaar kamid ah erayada ku qornaa warsaxaafadeedka ayaa waxaa kamid ahaa;

“Dhaqankan aan habboonayn ee gardarada ah ayaa dhacay iyadoo shakhsiyaadku ay qiimaynayeen xaaladda horumarka iyo dawladnimada ee Zimbabwe si ay gacan uga geystaan ​​wargelinta shaqada USAID ee lagu taageerayo ka qaybgalka bulshada, hay’adaha dimuqraadiga ah, iyo kuwa xuquuqda aadanaha.”

War saxaafadeedka ayaa sidookale lagu yiri “kama labalabayn doono in la qaado tallaabooyin dheeraad ah si lagula xisaabtamo kuwa u diida dadka reer Zimbabwe xorriyadaha aasaasiga ah iyo dawlad wanaagga.”

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply