Ugu yaraan 28 ka mid ah ku dhawaad 300 oo caruur iskuuley ah oo ay afduubteen kooxo hubeysan ayaa baxsaday sida uu BBC-da u sheegay barasaabka gobolka Kaduna ee dalka Nigeria.
Ciidamada Nigeria ayaa hogaaminaya baadi goob lagu baadigoobayo caruurtii laga soo qafaashay waqooyiga magaalada Kuriga maalintii Khamiista.
Ciidamada ayaa la shaqeynaya booliska iyo kooxaha baarista maxalliga ah si ay u uga baarana kaymaha Kaduna iyo gobollada deriska la ah.
Afduubka ayaa ah kii ugu weynaa ee ka dhaca iskuul tan iyo 2021-kii.
Kooxo hubaysan oo mooto watay ayaa kaxaystay ku dhawaad 300 oo caruur ah oo dugsi hoose iyo sare ah oo da’doodu u dhaxayso sideed ilaa 15 jir,sida ay shegeen maamulka dugsiga iyo waalidiintu.