Wararka ka imaanaya Duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Garasbaaley ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab..

Wararka ayaa sheegaya in Howlgalkan uu  si gaar ah uga dhacay deegaanka Garasbaaley, waxaana  lagu beegsaday shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo nolosha lagu soo qabtay.

Shabakaddan oo ka koobnayd 4 dhalinyaro ah ayaa gacanta lagu soo dhigay, kadib markii ay dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray marxuum Xasan Cabdulqaadir Ibraahim.

Sidoo kale Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ee gobolka Banaadir ayaa lagu faahfaahiyay howlgalkan, waxaana lagu xaqiijiyay in 4 eedeysane, hubkooda iyo mooto ay wateen gacanta lagu haayo.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply