waxaa Magaalada Muqdisho si diiran loogu soo dhaweeyay siyaasi kasoo goostay maamulka Soomaaliland gaar ahaan ahaana laTalaliyihii madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in siyaasigan uu ahaa laTalaliyihii madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi laguna magacaabo Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan waxa uuna xilal kala duwan uu kasoo qabtay maamulka Soomaaliland, haatan ahaa lataialiyihii madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.
Xubnihii soo dhaweeyay waxaa ka mid ahaa laTalaliyihii madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi , Wasiirka arimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiir fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay soo dhoweyneeso siyaasiyiinka kuhungoobay fikirka goonis ugoosadka ah, islamarkaana diyaarka u ah iney kashaqeeyaan midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Muqdisho