Golaha Wasiirada ayaa magacaabay xubnaha Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood, oo uu ku jiro Senator hore, iyadoo aan lagala tashan Ururada Saxaafadda.
Tani waa arin aan hore u dhicin oo ka hor imanaysa sharciga saxaafadda dalka. Ururka saxafiyiinta caalamiga ah ee IFJ ayaa codkiisa cambaareynta magacaabistan sharci-darada ah ku biiriyay NUSOJ, oo horey qoraal diidmo ah oo arintan ku saabsan u soo saarey.
Cambaareynta magacaabista golaha warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ee sharci darada ah, ayaa isa soo taraysa, iyadoo si xoogan shalay uga soo horjeesteen warbaahinta madaxa-banaan, suxufiyiin iyo urur difaaca xuquuqda saxaafadda, maadaama tallaabadan ay wax u dhimayso xoriyada saxaafada waxayna muujinaysaa ixtiraam la’aanta sharciga dalka.
Sidoo kale Suxafiyiinta iyo Ururada Warbaahinta Sida IFJ iyo NUSOJ ayaa qeylo dhaan ka soo saaraysa cawaaqib xumada ka dhalan karta Xubnaha Golaha warbaahinta qaranka ee dhawaan lagu dhawaaqay ee ay dowladdu magacaawday, taasi oo adkeyn doonta faragelinta madax-banaanida Warbaahinta, sida gaarka ah loo leeyahay oo horey dhibaatooyin adag ugu soo shaqeynayay.
Xafiiska Wararka Muiqdisho