September 9, 2024

In ka badan 100 arday oo u dhashay dalka Nigeria ayaa lagu afduubtay magaalada Kuriga ee waqooyi-galbeed, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ardeydu waxay ku sugnaayeen goobta daabuurka abbaare siddeedda iyo badhkii barqanimo markaas oo tobanaan dabley ah oo mootooyin wata ay soo dhex jiidheen dugsiga, qof goobjooge ah ayaa sheegay.

Ardaydan oo da’doodu u dhaxayso 8 ilaa 15 sano jir ayaa la kaxaystay, iyadoo uu la socday macalin, sida ay sheegeen.

Kooxaha afduubka geysta ee loo yaqaanno burcadda ayaa sanadihii ugu dambeeyay dhibaato ku hayay inta badan dalka, gaar ahaan waqooyi-galbeed.

Goobjoogaha ayaa sheegay in kooxihii hubeysnaa ay toogteen hal arday, kaasi oo hadda xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo Isbitaalka Birnin Gwari.

Mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Kaduna ayaa BBC-da u xaqiijiyay dhacdadan balse waa uu ku guul dareystay in uu faah faahin ka bixiyo.

Bishii Janaayo, burcad ayaa deegaanka ku dishay maamule iskuul, waxayna afduubteen xaaskiisa.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply