Todobo saxafi ayaa ku dhaawacantay duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay barxadda cisbitaal ku yaalla bartamaha Gaza.

Afar xubnood oo ka tirsan kooxda Islamic Jihad (IJ) ayaa lagu dilay weerarka oo ka dhacay afaafka hore ee isbitaalka al-Aqsa, sida ay BBC-du fahantay.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen xarunta taliska IJ ee barxadda isbitaalka ee Deir al-Balah. Xamaas iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa beeniyay eedeymaha Israel ee ah in mintidiintu ay isbitaallada u adeegsadaan saldhigyo.

Islamic Jihad, oo ah xulafada Xamaas, ayaan ka hadlin.

Saxafiyiintan ayaa ka mid ahaa boqolaal gabbaad ka dhigtay goobo cooshado ka sameysan oo ku yaala afaafka hore ee isbitaalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply