Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo xiray tartanka Qur’aanka Kariimka ee bisha barakeysan Ramadaan kaas oo ay ku tartameeyeen arday ka kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir oo isugu jiray Gabdha iyo Wiilal.

 

Xafladaan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Owqaafta iyo arrimaha Diinta, Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada G/Banaadir Xildhibaana katirsan DFS guddoomiyaha ururka Haweenka iyo Waalidiin.

 

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa Abaalmarin lacageed gudoonsiiyay Mujiibo Raxmaan Maxamed Cabdullaahi oo ah Ardaygii ku guuleestay kaalinta 1-aad iyo Asmaa Maxamed Ibraahim oo kaalinta Labaad gashay.

Madaale ayaa ku amaanay ardayda Xaafidul Qur’aanka iyo Waalidiin tooda sida ay ugu da’daaleen xafidida Qur’aanka Kariimka oo ah daraja iyo maqaamka sare oo uu gaaro qofka muslimka ah.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply