Mark Regev, oo ah la taliyaha sare ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sidoo kale ka falcelinayay warka sheegaya in shaqaalaha gargaarka ee Qaramada Midoobay laga yaabo inay ku lug lahaayeen weerarradii 7-dii Oktoobar ay Xamaas ku qaadday Israa’iil.
Waxa uu BBC-da u sheegay in sidoo kale ay jiraan “xog gaar ah” oo ku saabsan ku lug lahaanshaha shaqaalaha UNRWA, waxaa sidoo kale jira macluumaad sheegaya in macallimiinta dugsiyada UNRWA ay “si furan ugu dabaaldegeen” weerarrada.
Regev ayaa sheegay in ay “si fiican u diwaan gashantahay” in kooxda gargaarka ay xiriir la leeyihiin Xamaas.
“Waxaan u maleynayaa in la gaaray waqtigii Qaramada Midoobay ay baaritaan ku sameyn lahayd xiriirkan,” ayuu yiri.
Regev waxa uu intaa ku daray in arintu la xiriiro xukunkii jimcaha ee ICJ sababtoo ah warbixinada UNRWA waxaa soo xigtay madaxa cadaalada.
Office Nairobi Kenya