Maxkamad ku taalla dalka Zimbabwe ayaa dib ula laabatay eedeymihii loo haystay labada qareen ee ugu sarreeya oo u dooda xuquuqda aadanaha. B
ishii Sebtembar ee la soo dhaafay, Douglas Coltart iyo Tapiwa Muchineripi ayaa la xiray ka dib markii ay ka soo horjeesteen in booliska ay su’aalo weydiiyaan macaamiishooda oo isbitaalka ku jiray.
Macaamiishooda waxay ka tirsan yihiin xisbiga mucaaradka ah, Isbahaysiga Muwaadiniinta, kuwaas oo la sheegay in la afduubay lana jirdilay, sida ay sheegtay Amnesty International.
Labada qareen ayaa booliiska u sheegay in macaamiishooda aysan u qalmin in ay ka jawaabaan su’aalaha, balse booliiska ayaa ku eedeeyay in ay hortaagan yihiin cadaaladda, waxaana xabsiga loo taxaabay labadas qareen.
Labada qof ayaa loo diiday dammaanad.
Mr Douglas ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dacwad oogayaasha gobolka ay isku raaceen in eedeymaha loo soo jeediyay isaga iyo saaxiibkiis aysan soo aheyn inay dambi galeen.
Xigasho
Office Nairobi Kenya