Kadib muddo bilo ah oo dib u dhac u ku imid ayaa lagu wadaa in Aqalka Congress-ka uu u codeeyo tobanaan balaayiin dollar oo ah kaalmo militari oo Mareykanka siinayo Ukraine iyo Israel.
Labada tillaababa waxa kasoo hor jeeda mucaarad aad u weyn oo ka tirsan Congress-ka, rajadooda ansixinta waxay ku tiirsan tahay isbahaysiga jilicsan ee laba geesoodka ah si ay uga gudbaan caqabadaha sharci-dejinta.
Codeynta habraaca ee Khamiista ayaa muujisay tilmaan xooggan in codadka ay gudbi doonaan.
Waxaa lagu wadaa in doodda ay bilaabato, waxaana la filayaa in codeynta la dhiibto gelinka dambe ee maantay oo Sabti ah.
Afhayeenka aqalka, Mike Johnson ayaa sheegay inuu doonayo inuu ku riixo tallaabooyinka, xitaa haddii ay halis gelineyso booskiisa.
Codbixinta Ukraine ayaa si dhow isha loogu hayn doonaa magaalada Kyiv, taasoo ka digtay baahida degdegga ah ee taageero cusub oo ka timaada xulafadeeda, iyadoo Ruushku uu si joogto ah guulo uga gaarayo goobaha dagaalka.
Haddii Goluhu meel mariyo sharcigan, guurtidu waxa laga yaabaa inay ansixiso kaalmada sida ugu dhakhsaha badan usbuucan. Madaxweyne Joe Biden ayaa ballan qaaday inuu saxiixi doono si uu sharci u noqdo.
Xafiiska Wararka Muqdisho