October 12, 2024

Wararka ka imaanaya saakay gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in howlgal culus oo gelinkii dambe ee shalay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, lagu weeraray Maleeshiyaadka Alshabaab oo goob isku uruursanayay.

War kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu beegsaday koox ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursaneysay goobta la weeraray, lagana hortegay qorshe culus oo ay damacsaneyd.

“Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Mareykanka ayaa lagu bartimaameedsaday koox ka tirsan khawaarijta oo isku abaabulayay gobolka Shabeellada Hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Ma shaacin dowladdu goobta uu sida gaarka ah uga dhacay howlgalkan, marka laga soo tego inuu ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan lagu dilay ugu yaraan saddex ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale lagu burburiyay dhagar ay soo maleegeysay kooxda, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply