Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay wafdi caalami ah oo ay hoggaamineysay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Cimillada Cagaaran (GCF), Mafalda Duarte.
Kulanka ayaa looga hadlay dhibaatooyinka isbeddelka cimilladu sababeen ee heysta dalkeena iyo sidii wax looga qaban lahaa, taasi oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in loo baahan yahay ficil iyo taageero wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.
Sidoo kale Xamsa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay qorshe guud oo istaraatiijiyadeed oo looga hortagayo, isla markaana adkeysi loogu yeelanayo dhibaatooyinka isbeddelka cimillada.
Xafiiska Wararka Muqdisho