Arsenal ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabka loo gudbin doono weeraryahanka reer Brazil Gabriel Jesus, kaasoo 27 jir ah xagaagan.

Gabriel Jesus ayaa yimid Arsenal sanadkii 2022-kii, taageerayaasha Arsenal ayaa aaminsan inay hadda la soo wareegi doonaan weeraryahan wax ka bedeli doona nasiibkooda.

Gabriel Jesus waa mid kamida ciyaarihannada ugu fir-fircoon Arsenal, hase yeeshee waxa uu u muuqdaa in nasiibku uu ka hiilliyay marka loo eego bandhiggi laga filayay.

Dhaawacyo ayaa sidoo kale lasoo dersay xilli ciyaareedkaan taas oo keentay in goolashii laga filayay ay Meesha ka baxaan.

Gunners ayaa sidoo kale rajeyneysa in ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Talyaani Jorginho, oo 32 jir ah, uu diido damaca Juventus , Lazio iyo Napoli si uu qandaraaska ugu kordhiyo kooxdiisa.

Xafiiska wararka muqdisho

 

Leave a Reply