Waxaa goor dhawayd deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada  qarax lagula eegtay gaari ay lahayeen shirkada Hormuud.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Jabad Geelle ee deegaankaasi, waxaana lala eegtay gaari ay leedahay Shirkadda Korontada Ee BECO oo hoos tagta Hormuud Telecom.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi.

Sidoo kale Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka iyo Shirkadda BECO oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah ee maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo todobaadkan deegaanka Garasbaaley lagula eegtay gaari ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kaas oo lagu dilay lix kamid ahaa shaqaalaha shirkadda.

Kala soco Bogan wixii ku soo kordha arintaas

 

Xafiiska wararka muqdisho

 

Leave a Reply