Inta badan dhibbanayaasha ayaa ahaa haween barakacayaal ah oo ku noolaa xero ku taal magaalada Gamboru Ngala, kuwaas oo horay u soo qaxay cabsi ay ka qabaan koox fallaagada Boko Haram.
Haweenkan ayaa la qafaashay iyagoo xaabo ay dab ku shitaan ama iibsadaan ka guranaya meel bannaanka ka ah xerada ay ku noolaayeen.
Qaramada Midoobey ayaa dalbatay in la haysteyaasha si sharuud la’aan ah loo sii daayo.
Maxamed Malick Fall oo ah Iskuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada Q.M ayaa sheegay in wallow aan la ogeyn tirada dhabta ah ee dadka la qafaashay, haddana lagu qiyaasayo in ay gaarayaan 200 oo qof.
Sarkaalka QM ayaa intaas ku daray in tillaabadani muujineyso halista ay ku jiran haweenka iyo hablaha yar yar ee Nayjeeriya oo weli bartilmaameed u ah kooxda Boko Haram.
Xafiiska Wararka Muqdisho