October 5, 2024

 

Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in shalay Wafti ka socda Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ay  booqdeen  magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhameestiraya Heshiiskii Difaaca ay labada dal gaareeen Bishii hire.

Saraakiisha ka socota turkiga ayaa  dhiggooda Soomaaliya kala hadli doona fulinta heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhawan dhex maray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Sida uu bartiisa X ku qoray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, waftiga ka socdey militariga Turkiga oo isugu jirey ciidan iyo rayid waxaa qaabiley saraakiil sar sare oo uu ka mid ahaa Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Ibrahim Sheekh Muxyadin.

Sidoo kale Wasiirka ayaa intaas ku daray in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku tixan hirgelinta qodobada heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya ku kala sixiixdeen Ankara 8-dii Fabraayo 2024, kaas oo dhigayey in Turkigu muddo 10 sano ah la wareego ilaalinta badda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply