Kooxda kubadda cagta ee Inter Milan ayaa xalay markii 20-aad hanatay horyaalka Taliyaaniga kaddib markii ay 2-1 kaga badisay kooxda ay xifaaltamaan ee AC Milan.

Inter ayaa horyaalka qaaday iyadoo shan ciyaarood ay ka harsan yihiin tartanka. 33 kulan oo ay ciyaartay ayay urursatay dhibco gaaraya 86 dhibcood, waxyna 17 dhibcood ka hormartay kooxda ku soo xigta ee AC Milan.

Funaanadda Kooxda ayaa lagu toli doonaa xidig labaad, maadaama ay qaaday horyaal keedii 20-aad. Kooxaha Taliyaaniga marka ay qaadaan 10 horyaal ayaa hal xiddig loo tolaa, haddii ay 20 qaadaan sida Inter oo kale, labo xiddig ayaa loo tolaa.

Juventus waxa u tolan 3 xiddigood, maadaama ay qaaday wax ka badan 30 horyaal. Inter ayaa ah kooxda ku soo xigta Juventus ee horyaal qaadista dalka Taliyaaniga.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply