Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ayaa sheeggaya in  Shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay Wasiir Kuxigeenka Arimaha Gudaha ee Somaliland Cabdillaahi Xuseen Maxamed waxa uuna  ku celiyay eedeyn hore oo ay Dawladda Federaalka dusha uga tuurayeen masuuliyadda geerida Cabdinaasir Muuse Dahable.

Cabdinaasir Muuse Dahable   oo ahaa sarkaal ka tirsan hay’adda dulimaadka rayidka Soomaaliya oo maydkiisa laga helay gurigiisa bishii Febraayo ee sanad kan.

Wasiir Cabdillaahi ayaa sidoo kale sheegay in dadka u xiran dilka Cabdinaasir Dahable la jirdilay si ay u qirtaan buu yiri dambiga lagu eedeeyay.

 

Baaris ay si iskood ah u sheegeen in ay sameeyeen ayay ku tilmaameen in madaxda Dawladda Federaalku ka dambeeyeen dilka Cabdinaasir Dahable.

Sidoo kale Illaa hadda Dawladda Soomaaliya ma soo saarin go’aanka kama dambeysta ah ee natiijada baarista dilkii cabdinaasir Muuse Dahable loogu gaystay Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply