\Manchester City ayaa hoggaanka Premier League la wareegtay, taas oo ay sii hayn doonto ugu yaraan hal maalin, kadib markii ay guul lasii saadaaliyay ay ka gaartay kooxda dhibtaadu ay haysata ee Luton Town.
City ayaa hoggaanka ciyaarta ku qabatay 65 ilbiriqsi, kadib markii ay ku ciyaareen garoonka Etihad Stadium, markii Erling Haaland uu gool ka dhaliyay kooxda Luton.
Wax ka badan hal saac ayay ku qaadatay City in ay laba jibaarto hogaanka ciyaarta, waxaana u dhaliyay Mateo Kovacic, goolkaas oo laga darbeeyay meel u dhow cirifka aagga Luton Town .
Haaland ayaa dhaliyay gool ku laad xor ah kadib markii uu Jeremy Doku qalad ku galay Fred Onyedinma.
Wax yar ka dib markii City ay sameysay labo isbedel, Ross Barkley ayaa ka faa’ideystay qalad uu sameeyay Matheus Nunes si uu hal mar ugu soo celiyo Hatters.
Laakin Doku ayaa bidix ka soo gooyay kubadda kaas oo gool qurux badan ka dhaliyay geeska hoose.
City ayaa laba dhibcood ku hoggaamineysa hogaanka, inkasta oo Liverpool – oo gurigeeda kula ciyaarayso Crystal Palace – iyo Arsenal oo martigelinaysa Aston Villa ay Axadda dib uga soo laaban karaan hoggaanka horyaalka.
.
Xafiiska Wararka Muqdisho