October 10, 2024

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xilka si rasmi ah ula wareegay maanta, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Cali Balcad ayaana maanta ku wareejiyay xilka wasiirka Cusub ee arrimaha dibadda Axmed Fiqi, waxa uuna halkaasi ka jeediyay kalmad uu wasiirka kusoo dhaweenayo.

Axmed Fiqi oo ah wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo munaasabada xil-wareejinta hadal ka jeediyay ayaa ugu horreyn u mahad-celiyay madaxweynaha iyo R/Wasaaraha.

Dhanka kale, Wasiirka ayaana sheegay in uu ku rejo weyn yahay in halkeeda kasii wado dedaaladii socday, uuna filayo in wax badan qaban doonaan isaga iyo howlwadeennada kale ee wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale Ugu dambeyn, Axmed Macalin Fiqi ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaanba in ay ku garabsiiyaan gudashada hawshaas qaran iyo  difaaca danaha dalkeena iyo wadajirkiisa.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply