Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka-Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka-sida oo guulo waaweyn ka soo hooyay la dagaalanka Khawaarijta iyo sugida amniga guud ee dalka, waxaana kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha amniga guud ee dalka iyo ka hortaga dhagarta Khawaariijta.
Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee bulshada dhexdeeda ka soo cusboonaaaday, iyadoo Taliyaha Boolisku ka warbixiyay kiisas dil ah oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Qoryooleey.
Office Nairobi Kenya