October 5, 2024

.

Waxaa gabi ahaanba maanta baaqday kulankii baarlamaanka labadiisa gole ay kulahaayeen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Baaqashada kulankan ayaa waxaa loo saba-beynayaa xal uhelista dooda wax kabadalka Dastuurka ay goor hore ka keeneen siyaasiyiin, Xildhibaano & madaxdii hore ee dalka.

Kulanka ayaa waxaa loo madalsanaa in Xildhibaannada ay cod gacan taag ah uqaadaan afarta cutub ee ugu horeyso Dastuurka ee wax kabadalka lagu sameeyay.

Sidoo kale Wararku waxa ay intaas kudarayaan in maalinta Sabtida ah laga dhigay in cod gacantaag ah loo qaado afarta cutub ee waxa kabadalka lagu sameeyay ee Dastuurka.

Dhinaca kale  waxaa jiray kulamo ay yeesheen mucaaradka oo ay kasoo saareen war-murtiiyedyo dowladda loogu baaqayo in ay baaqsato howshan lagu sameynaayo Dastuurka Cusub.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply