December 4, 2024

Kumanaan qof oo dhawaan is guursaday oo ku nool dalka Zimbabwe ayey layaab ku noqtay markii ay ogaadeen in warqadaha guurkooda aysan sax ahayn.

Waxaa soo baxday in shahaadooyinkii la bixiyay 18kii bilood ee la soo dhaafay ay meesha ka baxayaan – taas oo saameyn karta dhammaan lammaanayaasha is guursaday muddadaas.

Arrintan ayaa soo shaac baxday markii waaxda sharciga ee Zimbabwe ay soo saartay digniin ku socota qareennada dalka oo dhan.

Waxay xustay in qalabka waraaqaha ee loo isticmaalay shahaadooyinka guurka madaniga ah uu ku jiro cutubka xeerka guurka oo la bedelay, kaas oo la tirtiray 2022.

Sharciga cusub oo dhaqan galay Sebtembar 2022, wuxuu keenay isbeddello ballaaran, oo ay ku jiraan xuquuqaha waaweyn ee lammaanaha isguursado. Waxay kaloo dembi ka dhigtay guurka caruurta.

Sharciyaqaanadu waxay kula taliyeen dadka ay khusayso in ay shahaadadooda geeyaan waaxda diiwaanka, kaas oo saxi doona shaabadna u saaraya dukumentiga.

Qareenadu waxay kaloo ka digeen haddii aad haysato shahaado aan sax ahayn in aadan furriin sameyn karin.

Dhawr qof oo dhawaan is guursaday oo BBC-da la hadlay ayaan hore uga war hayn in shahaadadoodu ay khaldan tahay.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply