September 12, 2024

Doodda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ayaa maanta la soo gabagabeeyay iyadoo Xildhibaannada Labada gole ay ku kala aragti duwnaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay khudbadii Salaada Jimcaha ee uu kaga hadlayey arimaha Dastuurka ku sheegay in Dastuurka la dhamaystirayo masuuliyadiisuna saaran tahay haya’addaha u xil saaran dhamaystirka Dastuurka.

Sidoo kale  Ra”iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey kulanka guud ee Afur-wadareedka bisha Ramadaan, ayaa sheegay in dhawaan la magacaabi doono Guddiga Doorashooyinka Qaranka, si ay u guddo-galaan hawlaha doorashooyinka ,loogana baaqsado marnaan dastuuri ah iyo dib u dhac doorasho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply