kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo shaaciyay oo shaaciyay in la sii daayay 33 kaluumaysato iyo badmaaxiin u dhashay dalka Iran oo ku xirnaa xabsiyada dalka Soomaaliya, waxayna dib ugu laabanayaan dalka Iran.
Cali Maxamed Cumar Balcad oo ah kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku wargeliyay in 33-kaluumeysato iyo badmaaxiin u dhashay dalka Iran oo ku xirnaa xabsiyada Soomaaliya la sii daayay, kuwaasi oo dib ugu soo laabanaya dalkooda, sida uu ku dhawaaqay Safiirka Iran u fadhiya Kenya Ali Gholampour.
Sidoo kale Gholampour oo ah Safiirka Iran u fadhiya Soomaaliya ayaa intaa ku daray in mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in loo gudbo hannaanka dib u soo nooleynta xiriirka labada dal oo go’ay dhowr sano ka hor.
Xafiiska Wararka Muqdisho