July 17, 2025

Booliska ka hor tagga rabshadaha oo ay wehliyaan laamaha canshuurta iyo faya dhowrka cunnooyinka ayey maanta isku dheceen ganacsatada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Saraakiishan dawladda ayaa aruurinayey caano ay sheegeen in ay yihiin kuwa aan sharci ahayn isla markaana waxay xidheen qaar ka mid ah dadkii dukaanada joogay.

Hawlgalkan oo muddo socday ayey maanta ka dibad bexeen ganacsatadu waxayna noo sheegeen dad goobjoogayaal ahi in dad dhar cad ah oo loo malaynayo in ay ahaayeen waaxda canshuurta, fayadhowrka iyo CID-du ay bilaabeen hawsha.

Sidoo kale Howlgalkaan ayaa waxaa bilaabay  booliska kadib markii ay dadku bilaabeen iska caabin, halkaas oo lala dhacay sunta dadka ka ilmeysiisa.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply