Koonfur Afrika ayaa sheegtay in ay ka codsatay Maxkamadda Adduunka in ay ka fiirsato qorshaha Israa’iil ay ku doonayso in ay ku kordhiso weerarkeeda Qasa ee magaalada Rafax uu u baahan yahay tallaabooyin degdeg ah oo dheeraad ah si loo ilaaliyo xuquuqda Falastiiniyiinta.
Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa bishii hore ku xukuntay Israa’iil in ay qaaddo dhammaan tallaabooyinka ay kaga hortagayso in ciidamadeedu ay xasuuq ka geystaan Falastiiniyiinta ku nool Qasa, dacwadda ay Koonfur Afrika keentay.
Office Nairobi Kenya