November 9, 2024

Laba nin oo hubaysan ayaa shalay  weerar ku qaaday kaniisadda Santa Maria ee magaalada Istanbul ee dalka Tukriga intii ay dadku ku cibaadeysanayeen, taasoo keentay dhimashada hal nin.

Dhacdadan ayaa dhacday abaare 11:40 wakhtiga maxaliga ah. Mas’uuliyiinta dalka Turkiga ayaa billaabay baaritaanno la xiriira weerarka, waxayna cambaareeyeen falkan oo ay ku tilmaameen mid “wax xun” ah. Ilaa hadda ma cadda sababta ka dambeysay toogashada, balse saraakiisha ayaa rumeysan in uu ahaa weerar qorsheysan.

Muuqaallada CCTV ee ay baahiyeen warbaahinta Turkiga ayaa muujinaya dad cibaadeysanaya oo taagan markii labo nin oo hubeysan ay gadaal ka soo galeen kaniisadda. Waxa ay u muuqdaan in ay daba socdeen nin dhar madaw wata oo hadda soo galay. Ka dib markii ay toogteen oo dhaawac halis ah u geystay, dableyda ayaa si deggan uga dhaqaaqay goobta.

Kaniisadda Santa Maria oo ah dhismo la dhisay qarnigii 19-aad oo ku yaalla meel u dhow suuq yar oo kalluunka lagu iibiyo oo ku yaalla dhinaca Yurub ee Istanbul, ayaa waxaa xiray booliiska dhacdada kaddib. Gudaha kaniisadda, baarayaashu waxay ka qaateen bayaan ka soo baxay goobjoogayaal ku sugnaa intii uu weerarku socday.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply