Maxkamad ku taal Hindiya ayaa ka codsatay beerta xayawaanka lagu xanaaneeyo ee ku taal galbeedka Bengal inay beddelaan magacyada laba libaax ka dib markii koox ka mid Hindida mayalka adag ah ay ka cawdeen inay wax u dhimayso shucuurtooda diineed.
Libaaxa waxaa loogu magac daray ‘Ilaaha’ Hinduuga Sita, halka libaaxa kalena loogu magac daray Akbar. Wuxu la wadaagaa magaca boqor Mughal-kii qarnigii 16-aad ahaa kaas oo loo arko in uu ahaa iftiimkii cilmaaniyadda. Kaas oo ay neceb yihiin waddaniyiinta Hindiya ee mayalka adag.
Labada libaax ee magacyadoodu kala metelayaan labada diimood ayaa hadal hayn badan ka dhaliyey barasha bulshada Hindida, kuwaas oo wada noolaan shahooda ee beerta xayawaanku uu buuqa kiciyey.
BBC
Xafiiska Wararka Muqdisho