Wararka ka imaanaya suuqa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas galabta ay ka dhacday arin kale oo Murugo leh, kadib markii gabar ganacsato ah ay Toorey ku dishay ganacsade kale oo deris la ahaa.
Maxamed Axmed Cabdiraxmaan (Biriq) ayaa lagu magacaabaa ganacsadaha la dilay, waxaana la sheegay inay isku dhaceen haweeney deris la aheyd oo ganacsato kale ah, khilaafka labada qof ayaa soo jiray maalmo badan.
Wararka ayaa sheegaya in Ganacsade Maxamed Biriq oo dacwo ka ah haweeneyda galabta Tooreyda ku dishay uu tagay maalmo ka hor uu tegay saldhigga booliska degmada Wadajir isagoo dacwo ah, booliska ayaa ku soo baxay khilaafkaas, waxayna isku dayeen inay xaliyaan.
Sidoo kale Haweeneyda ayaa galabta u yeeratay walaalkeed, kaas oo u soo gurmaday walaashiis, garmahana ka qabtay ganacsade Maxamed Biriq, iyadoo wadata Toorey ayaa la sheegay inay la dhacday ninkii ilaa uu ka geeriyooday.
Xafiiska Wararka Muqdisho