Wararka ka imaanaya saakay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in la siiyay xubno katirsan ciidanka deegaanka oo goob kaliya ku laayay koox Al Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil.
Xildhibaan Yaasiin Farey oo katirsan xildhibaanada golaha Shacabka ayaa lacag gaareysa 7,500 oo dollar abaal-marin ahaan u siiyay ciidanka deegaanka Macawuusleyda, kuwaa uu ku dhiiro-galiyay howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo ay fuliyeen.
Cabdi Muxudiin Dhalaweyn oo maalmo kahor soo dilay sargaal katirsanaa Al Shabaab oo lagu magacaabi jiray Bashiir Ciidle , ayaa la siiyay lacag gaareysa 2-kun oo dollar, lacagtaasi ayaana ninkan dilka soo geestay loo siiyay abaal-marin ahaan.
Sidoo kale Ninkan katirsanaa horjoogayaasha Al Shabaab ee la dilay ayaa lagu eedeeyay in uu masuul ka ahaa dad kasoo jeeda degmada Ceeldheer oo ay dileen kooxda Al Shabaab, waxaa sidoo kale ninkan la sheegay in dhibaatooyin badan horey ugu geestay dadka deegaanka.
.
Office Nairobi Kenya