Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in ay ka socoto qaban qaabada saacadihii ugu danbeeyay ee Doorashada Puntland, maadaama Bari la dooran doono Madaxweynaha Puntland.
Maanta waxaa la dhageysanayaa khudbadaha musharraxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ayada oo berrina ay dhaceyso doorashada guud.
Hoolka baarlamaanka waxaa haatan ku sugan illaa 22 musharrax oo barnaamijkooda wax qabad u jeedin doono xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilada Puntland.
Sidoo kale Doorashadan ayaa waxaa ka qayb-galaya siyaasiiyin dhowr ah oo ay ku jiraan madax hore iyo kuwa cuusb oo haatan doonaya inay hoggaamiyaan maamul goboleedka Puntland.
Kala soco Wixii ku soo kordha xaalada Puntland iyo Dooorashada https://www.somaliglobe.net
Office Nairobi Kenya