Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay ku qaadeen magaalada Kharkiv ee dalka Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.
Duqa magaalada Ihor Terekhov ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed ee Iran ay soo saartay ay garaaceen dhismayaal dhowr ah oo ay ku jiraan guryo dabaqyo ah, subaxnimadii hore ee Sabtida.
Weerarada ka dhanka ah magaalada Kharkiv oo ah magaalada ugu dhow xudduudda Ruushka ayaa sii xoogeysanayay toddobaadyadii la soo dhaafay. Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in laga yaabo in magaaladan mustaqbalka Ruushka uu bartilmaameed ka dhigto.
“Weerarkan lagu qaaday dadka deggan Kharkiv ee nabadda ah ayaa mar kale caddaynaya in Ruushku yahay waddan argagaxiso,” Mr Terekhov ayaa ku qoray bartiisa fariimaha Telegram-ka.
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhaawacmay weerarka, ayuu hadalkiisa ku daray.
Xafiiska wararka Muqdisho