March 25, 2025

Waxaa xalay ilaa saakay Dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi ka da’ayay Roobab xoogan oo mahiigaan ah kuwaas oo aan kala joogsi lahayn.

Salaadii cisho ee Xalay ilaa saakay salaadii Subax xaafada magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii waxaa hareeyay Roobab dadka dagan u diiday inay adaan saalaadii Cishaha, taajudka iyo salaadii Subax ee saakay.

Sidoo kale Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay Roobabkan ka da’ay Xalay Dalka Kenya, waxaana la soo sheegayaa qasaare ka dhashay Roobabkii xalay hareeyay dalka Kenya gaar ahan magaalada Nairobi ee Xaafada Degmada kaamakuuji ee islii.

 

Xafiiska wararka Muqdisho

 

Leave a Reply