March 25, 2025

Ma jiraan wax baabuur ah oo soo galay marinka Gaza ee Erez inkasta oo ay dhawaan Israa’iil ku dhawaaqday in dib loo furayo, sida ay sheegtay hay’ad samafal.

“Haddii isgoyska Erez la furo waxay noqon doontaa tallaabo loo qaaday jihada saxda ah, sababtoo ah waxay suurtogal ka dhigi kartaa in gargaarku si toos ah u soo galo waqooyiga Qasa,” ayay tiri Karyn Beattie, hogaamiyaha ururka Save the Children ee Qasa, waxay ku dartay in ilaa hadda aysanjirin“hal baabuur oo gargaar” oo soo maray.

Israa’iil waxay sheegtay in marinka, oo xirnaa tan iyo 7-dii Oktoobar, uu dib u furmi doono ka dib dhimashada toddobo shaqaale gargaar ah oo ku dhintay duqeyn cirka ah 1-dii Abriil.

Dib u furista isgoysku waxay keenaysaa gargaar badan oo gaara waqooyiga, halkaas oo ay gaajadu aad ugu daran tahay guud ahaan Qasa.

Hay’adaha gargaarka iyo dowladahacaalamka ayaa muddo dheer ku boorinayay Israa’iil inay furto meelo badan oo la isaga gudbiyo gargaarka

Xafiiska wararka Muqdisho

Leave a Reply