Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in magaalada Muqdisho laga mamnuucay isticmaalka Af xirka si loo xaqiijiyo amniga caasimadda.
Wareego ka soo baxday duqa magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in aan la ogolaan doonin sidoo kale in hub lala raaco Bajaajta iyo mootada Vikon
Maamulka waxa u sheegay in talaabo laga qaadi doono cid kasta oo jabisa amarka ka soo baxay maanta maamulka gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxa lagu sheegay warka ka soo – baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in wax kasta oo loo arko in lagu qaldayo laamaha amniga loo arkayo fal dembiyeed .
Go’aanada ka soo baxay maamulka gobolka Banadir ayaa hore u dhaqan gali waayay waxaana la ogayn sida go’aankan u dhaqan gali karo.
Office Nairobi Kenya