Maamulka Koonfur Galbeed ayaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay weerar culus oo ay shalay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa saaka qaaday howlgal wadajir ah oo ay ku beegsanayaan Al-Shabaab ku sugan aaggaasi.
Sidoo kale Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay inay howlgalka kusoo qabteen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, ayna usoo bandhigi doonaan warbaahinta.
Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay haata ka bilaabeen duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Office Nairobi Kenya