Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Macallim Fiqi oo ay wehliso Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa xarunta hay’adda Qaran ee qaxootiga iyo Brakacayaasha kulan kula qaatay dadka soo barakacay ee ka kala yimid xeryaha barakacayaasha ee gbolka Banaadir.
Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa u sheegtay dadka barakacyaasha ah in dowladda u heelan tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed iyo deegaan ee ay lanoolyihiin.
sidoo kale waxay ku boorisay soo gudbinta dhibaatooyinka ay wajahaan. Guddoomiye Safiyo ayaa hay’adda iyo shaqaalaheedu ku boorisay xoojinta ay u taagn yihiin xal uraadinta bulishada Somaaliyeed ee tiradooda lagu sheegay 3.7 M barakacayaal ah.
Gudoomiyaha ayaa sheegtay in colaadaha iyo daadadkii ku dhuftay dalka sanadkii tagay , ay kordhiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay dalka gudihiisa.
Office Nairobi Kenya