Maamulka Somaliland ee magaalada Hargaysa ayaa ka tacsiyadeysay weerarka lagu qaaday xerada Janaraal Goordan halkaas oo Saraakiil Imaaraad ah iyo Somali Alshabaab ku laayeen.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu yiri”Eebbaa ayaa na leh isagaana u noqonaynaa.Anigoo ku hadlaya magaca dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii, shacbiga iyo dawladda Imaaraadka Carabta oo aanu ka tacsiyadaynaayo falkii foosha xumaa ee argagixisanimada ahaa ee sababay dhimashada askarta Imaaraatka ee kaamka Gordon ee magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya shalay. Waxaan ilaahay uga baryaynaa naf hurida ay u hureen nabadaynta gobolka in uu ajar iyo xasanaad ka siiyo eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen iyo dawlada imaaraadka carabta”
Sidoo kale Nin hubeysan ayaa xalay xerada Janaraal Goordan guduheeda rasaas ooda uga qaaday saraakiisha imaaraadka iyo ilaaladooda, waxana halkaas ku dhintay 3 Imaaraadka u dhashay iyo askari ka tirsan ciidamada Baxrayn, waxana ku dhaawacmay 2 kale oo ka tirsan tababarayaasha milatari ee Imaaraadka ah.
Office Nairobi Kenya