Israa’iil ayaa wajaheysa digniino caalami ah oo isa soo taraya oo ku saabsan duullaanka qorsheysan ee ay ku qaadayso Rafah – magaalada ku taal koonfurta Qaza oo ay ku sugan yihiin tiro badan oo qaxootiga Falastiiniyiinta ah.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Cameron ayaa sheegay in “in ka badan kala bar dadka Gaza ay gabaad ka dhiganayaan aaggaas, halka wasiirka arrimaha dibadda Holland Hanke Bruins Slot uu sheegay inay jiri karaan “waxyeello badan oo dadka rayidka ah soo gaara”.
Sacuudi Carabiya ayaa ka digtay “saameyn aad u daran” haddii Rafah la weeraro.
Hogaamiyaasha Xamaas ee Gaza ayaa sheegay in ay jiri karaan “tobanaan kun” oo dhaawac ah.
Israa’iil ayaa howlgalkeeda ka billowday dhulka falastiiniyiinta ka dib markii in ka badan 1,200 oo qof lagu dilay koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar oo ay fuliyeen rag hubeysan oo Xamaas ah.
Office Nairobi Kenya