January 14, 2025

 

Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland ay gacanta ku dhigeen  xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kasoo safray dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraal kooban oo kasoo baxay hay’adda sirdoonka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ay iska gaashadeen hay’adda iyo ciidanka milatariga Somaliland lagu soo qabtay xubnaha Al-Shabaab.

Xubnaha gacanta lagu soo dhigay ayaa ka kooban todobo qof oo isugu jiro rag iyo dumar, sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

Todobada qof ayaa laba kamid ah waxa ay yihiin dumar, kuwaas oo ay Somaliland sheegtay inay xasaas u yihiin Amiiro ka tirsan Al-Shabaab.

“Hay’adda NIA oo kaashanaysa Ciidanka Qaranka ayaa qabatay koox ka kooban 7-qof 5 nin iyo 2 dumar oo ka tirsan Ururka Alshabaab” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Kooxdan ayaa ka soo safray deegaanka Jilib ee koonfurta Soomaaliya, labada dumarka ah ayaa xaasas u ah amiiro Al- Shabaab ah”.

 

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply