24 saac kadib Markii Qudbad uu jeedinaayay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed. Laga saaray warbaahinta Qaranka ayaa waxaa arintaas ka hadlay Maamulka Telefishanka Qaranka Soomaaliya.
Telefishanka Qaranka ayaa shalay aan tebin khubad uu Shariif ka jeediyay baarlamaanka, taasi oo uu madaxweynihii hore uga hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka beddelka dastuurka iyo xaaladda guud ee amniga dalka.
Maamulka Telefishanka Qaranka Soomaaliya (SNTV) ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay in cilad farsamo oo dhinaca internet-ka ah ay sababtay inuu hakad ku yimaado tabintii tooska aheyd ee telefishanka, xilligaasi oo uu Shariif khudbad ka hor jeedinayay mudaneyaasha Golaha Shacabka.
Sidoo kale Maamulka SNTV waxaa uu caddeynayaa inuu mar walba u taagan yahay u adeegidda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo aan loo eegin kala duwanaansho siyaadasadeed iyo fikir toona. Adeegyada muhiimka ah ee Telefishanka u hayo Qaranka waxaa ka mid ah tebinta dhacdooyinka iyo barnaamiyada muhiimka u ah dowlad dhiska iyo wadajirka ummadda,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay maamulka Telefishanka Qaranka.
Xafiiska Wararka Muqdisho