Milatariga srael ayaa sheegay in ay duqeeyeen bartilmaameedyo u dhow Siidoon ee koonfurta Lubnaan Isniintii shalay
Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qaraxyo ka dhacay magaalada Ghaziyeh oo qiyaastii 30-km u jirta xadka Israa’iil.
Afhayeen u hadlay milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqaymahaasi ay ku dhaceen bakhaarrada hubka, taas oo jawaab u ahayd diyaarad aan duuliye lahayn oo kooxda Xisbullah ay u soo dirtay gudaha Israa’iil.
Ilaa hadda faahfaahin lagama bixin khaasaraha ka dhashay duqeymahaan.
Israa’iil iyo Xisbullah ayaa ku dhawaad maalin walba is weydaarsanaya duqeymo ka dhan ah xudduudaha tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ee Qasa ka socda.
Xafiiska Wararka Muqdisho