Macalinka Labaaad ee kooxda kubada Cagta maamulka Galmudug Daa’uud Tubaal  ayaa saaka u safraya Magaalada Gaalkacyo si uu goob joog uga noqdo xafladaha ugu danbeeya ee dabaal dega kooxda oo caawa halkaas loogu qaban doono.

Masuuliyiin ka tirsan xiriirka ciyaaraha iyo wasaarada ciyaaraha Galmudug ayaa la sheegay inay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ku soo dhaweyn doonaan Macalin Daa’uud Tubaal.

Sidoo kale Caawa waxaa lagu wadaa inay Gaalkacyo ka dhacdo xafladii ugu weyneyd uguna danbeysay ee loogu dabaal degaayo guushii ciyaartoyda Galmudug ka soo hooyeen tartankii Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply